Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

12 / 100 SEO Score

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Jubbaland iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ka fuliyey dhulka Badda-Madow ee u dhaxeeya Raaskaambooni iyo Badhaadhe.

Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay degaanka u dhow lagta Hola-Wajeer iyo nawaaxigeeda, ayaa lagu soo bandhigay warshad ay argagixisadu ku farsameynayeen miinooyin iyo walxaha qarxa. Ciidamada Jubbaland ayaa hal goob oo kaliya kasoo qabtay 90 xabbo oo miinooyin ah, iyo qalabkii iyo agabkii lagu diyaarinayey.

Sidoo kale, waxaa gacanta lagu dhigay miinooyin kale oo tiro badan kuwaas oo la sheegay in loo qorsheeyey in lagu waxyeeleeyo shacabka rayidka ah iyo goobaha dadweynaha.

Sida ay laamaha amniga xaqiijiyeen Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa laayey ku dhowaad 50 ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo maydadkoodana la keenay magaalada Raaskaambooni.

Howlgalkan ayaa daba socday dagaallo culus oo maalmo ka hor ka dhacay deegaanka Kudhaa, halkaas oo ciidamada Jubbaland ay jab xooggan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana lagu gaarsiiyey khasaare ballaaran. Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgaladan is xigxiga ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu sifeynayo haraadiga maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanaya deegaanada Jubbaland.

Jubbaland ayaa adkeeysey in la sii xoojin doono howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah, si loo xaqiijiyo amniga, loona ilaaliyo shacabka iyo hantidooda.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay