Xiddiga Liverpool garabka uga ciyaara, Federico Chiesa, ayaa laga yaabaa inuu isaga tago kooxda xagaagan — sida laga soo xigtay wargeyska El Correo de Andalucia, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa xiiseynaya inuu u dhaqaaqo kooxda Real Betis.
Ciyaaryahankan 27 jirka ah ayaa doonaya inuu ka tago Liverpool kadib hal xilli ciyaareed oo uu ku qaatay horyaalka Premier League.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Chiesa uu u arko Real Betis fursad uu dib ugu soo nooleynayo xirfaddiisa, iyadoo dadka ku dhow xiddiga ay rumeysan yihiin in jawiga kooxda uu ku habboon yahay ciyaaryahan leh kartidiisa.
Ilaa hadda wax dalab rasmi ah kama imaan Reql betis, balse waxaa la filayaa in wada-hadallo bilaabmaan oo ku saabsan heshiis amaah ah oo leh ikhtiyaar iibsi – qaab fududeyn kara heshiiska marka la barbar dhigo kuwa kale sida kii Antony ee Manchester United.