Xiddiga daafaca dhexe ee Liverpool, Ibrahima Konaté, ayaa lagu soo warramayaa inuu Real Madrid la gaaray heshiis.weli lama xaqiijin in heshiiska uu yahay mid hadda ah ama marka qandaraaskiisu dhammaado 2026, sida ay qortay Diario AS.

Wararkan ayaa yimid xilli Liverpool ay ku dhowdahay inay dhamaystirto laba saxiix oo daafac ah – Marc Guéhi iyo Giovanni Leoni – si ay u xoojiyaan difaaca kooxda, iyadoo mustaqbalka Konaté uu mugdi ku jiro.
Konaté, oo hal sano uga harsan yahay qandaraaskiisa Liverpool, ayaa bartilmaameed u ahaa Real Madrid iyo Paris Saint-Germain, kuwaas oo labaduba rajaynaya inay si bilaash ah ku helaan xagaaga dambe.
Warbaahinta Spain ayaa sheegaysa in Real Madrid aysan diyaar u ahayn inay bixiso wax ka badan €25 milyan si ay u soo qaadato daafaca xagaagan, taas oo aan la filayn inay qanciso Liverpool, oo weli diiradda saaraysa inay heshiis cusub ka saxiixdo daafaca.
Inkasta oo Reds ay isku dayayaan inay sii hayaan, haddana rabitaanka Konaté ee Madrid ayaa sii xoojiyay mala-awaalka ku saabsan inuu baxayo.
Liverpool ayaa haatan dhameystireysa heshiisyada kabtanka Crystal Palace, Marc Guéhi, iyo da’yarka 18-jirka ah ee Parma, Giovanni Leoni, iyadoo labadan saxiix lagu qiyaasay inay ku kacayaan wax ka badan €75 milyan guud ahaan.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.