Faahfaahin kooban ayaa ka soo baxaysa gabar 27-jir ahayd oo lagu dilay bariga magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo qoyskeedu ku tilmaamen in ay ahayd shaqsi wanaag iyo naxariis u saaxiib ahayd, aadna ay uga murugeysanyihiin geerideeda.
Booliska ayaa markaa bilaabaya baaritaan dhacdadaan ah oo la xiriira sida uu u dhacay dilka gabdhaas.
Zahwa Saalax Mukhtaar ayaa ku geeriyootay halka lagu magacaabo Chadwell Heath Lane, Romford, kadib markii la weeraray saacadihii hore ee subaxnimadii Sabtida, sida ay booliisku sheegeen.
Qoyskeeda ayaa yiri: “Zahwa waxay ahayd qof naxariis badan oo leh akhlaaq wanaagsan, waxayna lahayd himilooyin sare oo nolosha ah.
Waxey intaa ku dareen in aysan marnba quluubtooda ka biix doonin xusuuta gabadhooda.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.