Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa fuliyey hawlgal bartilmaameed ah oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Hawlgalka ayaa lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka laba kale nolosha lagu qabtay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay walxo qarxa oo ay argagixisadu qorsheynayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, waxaana la burburiyey goobo ay Al-Shabaab ku dhibaateynayeen dadka rayidka ah.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in hawlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, laguna xaqiijinayo amniga guud iyo badbaadada shacabka ku nool gobolka Shabeellaha Hoose.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay