Ciidamada Gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dhufaysyada iyo gabaadyada ay Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayeen.
Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda . kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah, Godadkii iyo gabaadyadii ay kooxdu isku dayayeen inay isku qariyaan ayaa lagu dumiyay duqaynta cirka, halka cutubyada Danab ay gudaha u galeen goobihii cadowgu ku sugnaa si loo xaqiijiyo guusha howlgalka.
Xogta sirdoonka ayaa muujisay in ALSHABAB ay u diyaargaroobayeen sidii ay isaga caabin lahaayeen howlgalka ballaaran ee “Duufaanta Aamusan,” oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo ATMIS ka wadaan deegaannada Shabeellaha Hoose. Howlgalkan ayaa dhabar-jab culus ku noqday kooxda, kadib markii toddobaadyadii la soo dhaafay si isdaba joog ah loogu jabiyay Sabiib, Caanoole iyo Bariire.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku wadaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxda Al-Shabaab, loona xaqiijin lahaa amniga shacabka Soomaaliyeed.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.