Ciidamada Ilaalada Qaranka Mareykanka ayaa bilaabay in ay ka soo muuqdaan waddooyinka Washinton Dc, maalin kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu ciidamada u daabbulay magaalada oo ay la wareegeen ciidamada booliiska maaddaama uu ku dooday in dambiyada rabshadaha wata ay faraha ka baxeen.
Baabuurta gaashaaman ayaa lagu arkay xarumaha magaalooyinka iyo goobaha dalxiiska ee ku teedsan caasimadda Maraykanka fiidnimadii Talaadada.
Saraakiisha ayaa sheegay in 800 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka la filayo in la geeyo, iyo 500 oo askari oo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka.
Duqa magaalada Washington DC Muriel Bowser, oo dimuqraaddi ah, oo diiday in dembiyada ka dhaca magaalada ay faraha ka baxeen, ayaa ku tilmaamay soo daabulidda ciidamada mid “maquunin awood ah”.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.