Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Daaficii hore ee xulka England, Jamie Carragher, ayaa ku eedeeyay tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, inuu “ka xaday” Martin Zubimendi kooxda Liverpool.

Zubimendi ayaa si weyn loola xiriiriyay inuu ku biirayo Reds xagaagii hore, balse ugu dambeyntii waxa uu go’aansaday inuu hal xilli ciyaareed kale ku sii nagaado Real Sociedad.

Si kastaba, sanadkan, khadka dhexe ee Spain ayaa doortay inuu heshiis la gaaro Arsenal. Carragher ayaa sheegay in Arteta uu isticmaalay xidhiidhkiisa Basque si uu uga faa’iideysto tartanka Liverpool ku dooneyso Zubimendi.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka Stick to Football, Carragher ayaa yiri:

“Waxaan hubaa in Mikel Arteta uu dhab ahaantii ka xaday Liverpool.
Wuxuu ogolaaday inuu yimaado Liverpool, wuxuu yiri ‘waan imaanayaa’ – balse daqiiqadihii ugu dambeeyay ayuu yidhi, ‘ma rabo inaan aado halkaas, hal sano oo kale ayaan Sociedad joogayaa.’
Mikel Arteta waa ka soo jeeda dhulka Basque. Shaki kuma jiro inuu la hadlay oo uu ku yiri, ‘Waxaan la saxeexanaynaa Merino xilli ciyaareedkan, Arsenal waxey kulasoo wareegi doontaa xilli ciyaareedka dambe.’”

KALA SOCO WARARKEENA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay