Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Nugaal, ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerar halis ah oo 24-kii Luulyo 2025 lagu qaaday ciidamo boolis ah oo ku guda jiray hawl-maalmeedkooda gudaha magaalada Garoowe.

Weerarkan oo si toos ah loogu beegsaday boolis howlgab ku jira, ayaa loo hayaa eedeysane lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cali, kaasoo ciidamada ammaanku ku qabteen muddo kooban gudaheed, kaddib hawlgallo baaritaan oo ballaaran oo laga sameeyay gudaha magaalada Garoowe.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, G/Sare Maxamed Cali Axmed, ayaa hoggaamiyay howlgalkii lagu soo qabtay eedeysanaha, waxaana haatan lagu hayaa xabsiga dhexe, iyadoo la filayo in loo gudbiyo hay’adaha garsoorka si uu u maro geedi-socodka cadaaladeed ee ku habboon.
Ciidanka Booliska Puntland wuxuu mar kale ku celinayaa sida ay uga go’an tahay:
- Ilaalinta amniga muwaadiniinta iyo hantidooda,
2. Difaaca ciidamada ku sugan waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah,
3. in si sharciga waafaqsan loo la tacaalo cid kasta oo ku kacda falal lid ku ah nabadgelyada guud.
Booliska Puntland waxay u mahadcelinayaan shacabka Gobolka Nugaal sida ay ula shaqeeyaan laamaha amniga, waxayna ugu baaqayaan inay sii xoojiyaan wada shaqeynta si loo sugo xasiloonida gobolka.
“Amniga Shacabku Waa Mas’uuliyadeenna, Sugitaankiisuna Waa Dadaal Joogto Ah aynu wadno ” ayuu udhignaa war kasoo baxay – Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland
Kala Soco Wararkeenna Dalbile Radio 98.0 Kismaayo Iyo Nawaaxigeeda.