Ciyaaryahankii hore ee Arsenal, Theo Walcott, ayaa saadaaliyay in kooxdiisii hore ay guul ka gaari doonto Manchester United marka ay labada kooxood ku kulmaan horyaalka Premier League Axadda.

Xiddiga reer England ayaa sheegay inuu filayo in Gabriel Martinelli uu dhalin doono goolka guusha, isla markaana Arsenal ay maamuli doonto kubadda inta badan ciyaarta.
Walcott, oo la hadlay barnaamijka It’s Called Soccer! Podcast, ayaa yiri:
“Waxaan u maleynayaa in Arsenal ay 1-0 ku badin doonto, goolkana uu dhalin doono Martinelli. Waxaan qabaa inay United ku cadaadin doonaan maamulista kubadda, goolkuna uu iman doono iyadoo si dhaqso ah loo jebin doono difaacooda. Waxaan kaloo aaminsanahay in difaaca Arsenal uu noqon doono mid adag.”
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.