Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa si cad u diiday inuu ka hadlo saxiixyada suurtagalka ah ee kooxdiisa, oo ay ku jiro heshiiska Giovanni Leoni oo horey looga heshiiyey.
Inkasta oo la isla gartay heshiiska, Leoni weli ma uusan marin tijaabada caafimaadka, halka Marc Guéhi uu weli ka mid yahay magacyada ay saxaafaddu si weyn uga hadleyso.
Markii la waydiiyey fikirkiisa ku saabsan labada ciyaaryahan, Slot wuxuu ku jawaabay:
“Kooxuhu way ku heshiiyeen heshiis, laakiin [Leoni] weli ma saxiixin. Marka uu saxiixo, waan hadli karaa.”
Isagoo ka hadlaya Guéhi, wuxuu yiri:
“Jawaabta waa isla sida aan had iyo jeer u bixiyo. Ma ka hadli karaa wax ka badan? Maya, waa nasiib darro inuu weli yahay ciyaaryahan aan nala joogin, wuxuu ahaa kabtanka kooxdii na garaacday.”
Slot ayaa intaas ku daray:
“Haddii aad rabto inaad wax ka ogaato isaga, u tag [Oliver] Glasner iyo Crystal Palace oo weydii iyaga.”
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.