David Ornstein oo ka tirsan The Athletic ayaa sheegay in Alexander Isak uu si cad u go’aansaday inuusan mar dambe u ciyaari doonin Newcastle United, iyadoo ay xiisaynayso Liverpool.
Ornstein wuxuu qoray:
“Xitaa haddii Newcastle ay diido inay iibiso weeraryahanka 25-jirka ah ee reer Sweden, uu ku sii nagaanayo Tyneside marka suuqa kala iibsiga xirmo, Isak wuxuu aaminsan yahay in shaqadiisii St James’s Park ay dhammaatay oo uusan rabin inuu dib ugu biiro kooxda.”
Isak wuxuu qabaa in kadib markii loo sheegay xagaagii hore in aan loo cusboonaysiin doonin qandaraaskiisa — sababo la xiriira Newcastle oo u baahan inay u hoggaansanto xeerarka maaliyadda kubadda cagta iyo isagoo horey ugu jiray heshiis qani ah oo soconaya ilaa 2028 — uu si cad u sheegay inay tani noqon doonto xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee kooxda.
KALA SOCO WARARKEENA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.