Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni ayaa kulan ay ku yeesheen dalka Uganda kaga wada hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, dagaalka Al-Shabaab iyo xoojinta xiriirka labada dal.
Labada Madaxweyne ayaa bogaadiyay doorka ciidamada Uganda iyo kuwa kale ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee la dagaallanka Al-Shabaab iyo xasilinta dalka.
Waxay ku baaqeen in la kordhiyo howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana howlgalka AUSSOM loo helo maalgelin ku filan oo joogto ah. Waxay sidoo kale dalalka ciidamada ku leh howlgalka ugu baaqeen inay sii xoojiyaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda dib-u-heshiisiinta, wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya.
Dhanka kale, waxay ku heshiiyeen in la ballaariyo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, oo ay ku jiraan qorshe lagu sameynayo Muqdisho bakhaar loogu talagalay badeecadaha Uganda iyo xarun dekadeed oo fududeysa ganacsiga labada dal.
