Heshiis ayaa laga gaaray khilaafkii iyo shaqaaqadii dhowaan ka dhacday Garoonka Diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaddib kulamo dhexmaray xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee gacanta ku haya maamulka garoonka.
Kulamada oo looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa xiisaddii saamaysay howlaha garoonka ayaa waxaa dhinacyadu isku afgarteen in duulimaadyada diyaaradaha dib loo bilaabo maalinta berri ah, kaddib markii ay hakad galeen adeegyada duulimaadyada sababo la xiriira shaqaaqadii halkaasi ka dhacday.
Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyey in guddi gaar ah loo saaro qiimeynta khasaaraha ka dhashay shaqaaqada, si loo ogaado waxyeellada ka dhalatay iska horimaadkii iyo xaaladdii amni ee garoonka ka dhacday.
Qodobada kale ee heshiiska lagu gaaray waxaa ka mid ah in ciidamada Macawiisleyda laga saaro gudaha garoonka diyaaradaha, halka xildhibaannada Dowladda Federaalka loo oggolaaday inay magacaabaan guddi u gaar ah oo kormeera habsami-u-socodka adeegyada iyo howlaha garoonka.
Heshiiskan ayaa soo afjaraya khilaaf muddo kooban hakad geliyay shaqadii Garoonka Diyaaradaha Beledweyne, kaas oo ka dhashay muran la xiriiray maamulka iyo habsami-u-socodka howlaha garoonka.
Xiisadda ayaa waxaa ku lug yeeshay dhinacyo kala duwan, iyadoo ciidamada Jabuuti iyo xildhibaannada Dowladda Federaalka ay ugu dambeyn gaareen is-afgarad lagu doonayo in dib loogu soo celiyo shaqadii garoonka, lagana hortago in khilaafku mar kale isku beddelo shaqaaqo amni.
