Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu berri u ambabaxo magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, sida ay Shabelle TV u sheegeen ilo xog-ogaal ah.

 

Safarkan ayaa imaanaya maalin kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in wada-hadallada siyaasadeed ee isaga iyo mucaaradka u dhexeeya aan lagu qaban doonin meel ka baxsan dalka Soomaaliya, isagoo xusay inuu diyaar u yahay inuu tago guryaha ay deggan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka si wada-hadallada loo qabto.

Safarka madaxweynaha ee Kampala ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo salka ku haya hannaanka doorashooyinka, mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo wada-hadallada lagu xallinayo tabashooyinka jira.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79