Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Shacabka ku nool deegaannada Galmudug ayaa saaka si weyn ugu soo baxay doorashooyinka qof iyo cod, kuwaas oo lagu dooranayo xubnaha goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee maamulka Galmudug.

Doorashadu waxay ka socotaa 11 degmo oo ku kala yaalla gobollada Galgaduud iyo koonfurta Mudug. Degmooyinka ay codbixintu ka dhacayso waxaa ka mid ah Dhuusamareeb, Cadaado, Guriceel, Cabudwaaq, Balanbale, Hobyo, Xarardheere, Xeraale, Ceeldheer, Galcad iyo koonfurta Gaalkacyo.

Sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka, in ka badan 200,000 oo qof ayaa isu diiwaangeliyay codbixintan, taas oo lagu dooranayo 243 xubnood oo goleyaasha deegaanka ah iyo 89 xubnood oo Golaha Wakiillada ah. Doorashada waxaa ku tartamaya musharraxiin ka kala socda dhowr urur siyaasadeed, iyadoo ururka JSP uu ka mid yahay kuwa ugu waaweyn ee tartanka ku jira.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulaysa hannaanka doorashada, iyadoo doorashadan ay qeyb ka tahay qorshaha lagu hirgelinayo nidaamka qof iyo cod ee dalka.

Doorashadan ayaa ka dambeysa kuwo hore oo isla nidaamkan lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo maamulka Koonfur Galbeed. Hase yeeshee, doorashooyinkaas waxaa dhaliilo u jeediyay qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka, kuwaas oo ku eedeeyay inay ka maqnaayeen hufnaan iyo daahfurnaan ku filan.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79