Guddoomiyahii Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadda si rasmi ah isaga casilay jagadaas oo uu hayay muddo la badan 20 sano.
Golaha Guurtida Somaliland ayaa aqbalay is casilaada gudoomiye Saleebaan. Ka tagaitaankiisa xilka ayaa waxa uu u sababeeyay caqabado ka haysta dhinaca da’da iyo in uu jagadaas fadhiyay muddo dheer. Muuse Xaaji Cabdi Du’caale ayaa loo doortay guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland. Waxa uu beddelayaa Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta iscasilay. Cod gacantaaga ah ayaa Golaha Guurtida Somaliland ay ku ansixiyeen iscasilaadda guddoomiyahii hore, iyada oo laba mudane diideen laba kalana ka aamuseen.
