Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in Tehran aysan wax codsi ah u dirin Mareykanka oo ku saabsan wadahadallo, balse ay aqbashay codsi uga yimid dhexdhexaadiye goboleed oo doonayay inuu soo booqdo Iran si looga wada hadlo xaaladdii ugu dambeysay.

Wareysi laga sii daayay telefishinka, Mr. Baghaei wuxuu yiri: Annagu ma aanan codsan wax wadahadal ah oo aan la galno Mareykanka, laakiin iyadoo la raacayo habka mas’uuliyadda leh ee aan mar walba qaadanno, ma aanan diidin codsiga mid ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha gobolka ee ahaa inuu u soo safro Iran oo uu kala hadlo xaaladda ugu dambeysay. Safarkan wuxuu ka dhacay Mashhad, waxaana dhinaca Qadar u gudbinnay aragtiyadeenna iyo mowqifyadeenna.” Isagoo xusay in ay kaliya 21 ama 22 maalmood ka soo wareegeen markii la saxiixay is-afgaradka (MoU), ayuu yiri: “Mareykanku muddadan gudaheeda wuxuu si joogto ah u jebiyey qodobo kala duwan.” Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale ku daray:

“Dhacdooyinka Arbacadii iyo Khamiistii waxay ahaayen xadgudub cad oo ka dhan ah qodobada koowaad iyo labaad ee heshiiskan, halka ka noqoshada ruqsadda shidaalka Iran ay si weyn u jebisay mid ka mid ah qodobbadii kale ee heshiiska.” Sida uu sheegay, cunaqabateynta cusub ee Mareykanka uu soo rogay waxay ka hor imaanayaan qodobka sagaalaad ee heshiiska is-afgaradka.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79