Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in la xiray shaqsiyaad ku labisnaa dareyska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal muujinayay rag ku labisan dareyska ciidanka oo ku dul istaagay calanka Dowladda Mareykanka. War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in falkaasi uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana uusan ka tarjumayn qiyamka, anshaxa iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale caddeysay in dhacdadan aysan metelin mowqifka Wasaaradda Gaashaandhigga ama Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dhammaan dadkii ku lugta lahaa falkaasi la xiray, iyadoo intaas ku dartay in baaritaan rasmi ah uu socdo si loo ogaado sida ay wax u dhaceen iyo in tallaabooyin sharci iyo kuwo anshax laga qaado cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in Dowladda Soomaaliya ay muhiimad weyn siiso iskaashiga dhinaca amniga ee kala dhexeeya Dowladda Mareykanka, iyadoo tilmaantay in wada-shaqeynta labada dal ay door weyn ka qaadatay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish, iyo xoojinta awoodda hay’adaha amniga dalka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku celisay ixtiraamka ay u hayso shacabka iyo calanka Mareykanka, waxayna adkaysay inay ka go’an tahay sii wadidda iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79