Dowladda Puntland ayaa ku baaqday in Soomaaliya loo maro geeddi-socod doorasho oo ay ku tilmaantay mid sharci ah, hufan, isla markaana ay si ballaaran u aqbalaan dhinacyada siyaasadeed ee dalka. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Farxaan Cali Maxamuud, ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Garowe, isagoo ka jawaabay hadallo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ka jeediyay munaasabaddii caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur, oo ka dhacday Baydhabo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in doorashadii ka dhacday Koonfur Galbeed ay qeyb ka tahay waddada Soomaaliya ugu socoto dimuqraadiyad, xasillooni iyo dhismaha dowladnimo, isagoo sheegay in dalka uu ka gudbayo xilli doorashooyinka ay ku salaysnaayeen dano siyaasadeed oo gaar ah.
Hase yeeshee, Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa dhaliilay habka loo marayo geeddi-socodka doorashooyinka, isagoo sheegay in nidaamka hal qof iyo hal cod ee dowladda Federaalka ay hormuudka ka tahay uu ka muuqday doorashadii Koonfur Galbeed, taas oo uu ku tilmaamay mid aan keenayn xal waara.
Farxaan Cali Maxamuud ayaa sheegay in Puntland ay muddo dheer ka digaysay waxa ay ku tilmaantay caqabadaha ka jira hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo ku baaqay in dalka loo maro doorasho lagu wada qanacsan yahay. “Puntland waxay dadka Soomaaliyeed uga digtay khaladaadkaas muddo dheer. Dalku waa inuu u dhaqaaqaa doorasho sharci ah,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.
Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii socdaan doodaha siyaasadeed ee ku saabsan qaabka doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo Dowladda Federaalka ay taageereyso hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, halka qaar ka mid ah dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay dalbanayaan in marka hore la helo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
