Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta martigelisay munaasabad lagu saxiixayay qandaraaska adeegyada daraasadaynta, naqshadaynta, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee qaybta Galkaayo–Elguula oo dhererkeedu yahay 100 kiiloomitir.

 

Munaasabadda ayaa waxaa shir-guddoominayay Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Hawlaha Guud ee Galmudug, Mudane Axmed Dhiblaawe Kaasir, masuuliyiin ka socday IBS Bank, GOB Community Organisation iyo shirkadda KKATT Consult Limited. Waddada Galkaayo–Hobyo ayaa loo aqoonsan yahay mid ka mid ah kaabeyaasha ugu muhiimsan ee bartamaha Soomaaliya, maadaama ay isku xirto deegaannada gudaha iyo dekedaha iyo xeebaha Badweynta Hindiya. Mashruucan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato kobcinta ganacsiga, fududeynta isu-socodka dadka iyo badeecadaha, kor u qaadista amniga, iyo xoojinta isdhexgalka dhaqaalaha dalka.

Bilowga daraasadaynta iyo naqshadaynta qaybta Galkaayo–Elguula ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta mashruuca guud ee waddada Galkaayo–Hobyo oo dhererkeedu dhan yahay 260 kiiloomitir.

Wasiirka Hawlaha Guud, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa sheegay in mashruucani muhiimad gaar ah u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, isagoo xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dardargelinta maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay Dowladda Galmudug iyo bah-wadaagta horumarinta.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay dadaallada lagu hirgelinayo mashruucan, isaga oo tilmaamay in waddadani ay muhiim u tahay horumarka, isku xirnaanta iyo xasilloonida dalka.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79