Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu saxiixayay Qorshaha Shaqo ee Iskaashiga ee u dhexeeya Dowladda Galmudug iyo UNICEF, kaas oo socon doona ilaa Diseembar 2027.
Qorshahan wadajirka ah oo ku kacaya miisaaniyad dhan 35.8 milyan oo doollar ayaa qeexaya habka ay UNICEF iyo wasaaradaha Dowladda Galmudug uga wada shaqeynayaan hirgelinta barnaamijyo muhiim u ah bulshada. Barnaamijyadan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, waxbarashada carruurta, adeegyada biyaha, iyo dadaallada lagu dhimayo saboolnimada bulshada.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in munaasabaddani ay astaan u tahay billow cusub oo lagu sii xoojinayo iskaashiga horumarineed ee u dhexeeya Dowladda Galmudug iyo UNICEF. Wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in qorshayaashan iyo taageerada la helayo ay isu beddelaan adeegyo muuqda oo si toos ah u hagaajinaya nolosha shacabka ku nool Galmudug.
