Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

4 / 100 SEO Score

Doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed Soomaaliya ee ka socota magaalada Baydhabo ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed oo kacsan kadib markii ay qaadaceen labo kamid ah murashaxiinta ugu waaweyn ee tartanka. Murashaxiinta kala ah iyo ayaa si rasmi ah u shaaciyay in aysan ka qeybgalayn geeddi-socodka doorashada, haddii aan la sixin qodobbada ay hore u soo gudbiyeen ee la xiriira hufnaanta iyo daahfurnaanta hannaanka doorashada.

Labada musharax ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Baydhabo ku sheegay in ay ka cabsi qabaan in doorashadu aysan u dhicin si cadaalad ah, iyagoo si gaar ah u dhaliilay guddiga doorashada iyo habraaca ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku maareyneyso geeddi-socodka.

Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in murashaxiintu ay shaki ka muujinayaan faragelin la xiriirta nidaamka doorashada, iyagoo tilmaamay in aan la helin jawi tartan oo siman.

Dhanka kale, xiisaddan siyaasadeed ayaa kusoo beegmeysa xilli hore loo qorsheeyay in maanta la dhageysto qudbadaha murashaxiinta, hase yeeshee qaadacaadda labada murashax ayaa xaaladda sii cakirisay.

Waxaa sidoo kale jirta hadal heyn ku saabsan murashax kale oo lagu tilmaamay “malxiis” oo sida la sheegay shahaadadiisa si hoose loo siiyay, taas oo dhalisay su’aalo la xiriira kalsoonida iyo hufnaanta doorashada.

Murashaxiinta ayaa sidoo kale ku eedeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka inuu diiday inuu xilka ka dego inta uu musharrax yahay, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid dhaawaceysa dhexdhexaadnimada tartanka.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay