Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo bartilmaameedsaday goobo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd fariisimo iyo xarumo ay lacagaha baadda ah uga qaadi jirtay shacabka, sida ay sheegeen saraakiil ciidan.

Howlgallada ayaa laga fuliyay deegaannada Warmaxan, Tasxiille, Shareey, 10-Buundo, Tabeellaha iyo aagga Donka, halkaas oo ciidamada ka tirsan Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad ee Danab ay ka sameeyeen baaritaanno iyo daba-gal lagu baacsanayay dagaalyahannada Al-Shabaab.

Saraakiishii hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen inay burburiyaan fariisimo iyo goobo gabaad u ahaa kooxda, kuwaas oo sida ay sheegeen loo adeegsan jiray abaabulka weerarrada iyo ururinta lacago sharci-darro ah oo laga qaado dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka baxsadeen qaar ka mid ah goobihii la beegsaday ka hor inta aysan ciidamada gaarin, iyadoo howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga gobolka.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka, iyagoo sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay howlgalka, waxaana xaaladda deegaannada la howlgalay lagu soo warramayaa inay tahay mid degan.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79