Muqdisho, Juun 7, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo mudnaan gaar ah siinaya xoojinta howlaha talo-bixinta, qorsheynta, isku-dubbaridka iyo horumarinta, ayaa Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha. Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa muddo dheer masuuliyado kala duwan uga soo adeegay dalka, isagoo leh waayo-aragnimo iyo aqoon durugsan oo ku aaddan arrimaha dowlad-dhiska.
Muqdisho, Juun 7, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo mudnaan gaar ah siinaya xoojinta howlaha talo-bixinta, qorsheynta, isku-dubbaridka iyo horumarinta, ayaa Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha.
Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa muddo dheer masuuliyado kala duwan uga soo adeegay dalka, isagoo leh waayo-aragnimo iyo aqoon durugsan oo ku aaddan arrimaha dowlad-dhiska.
