Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Doorasho ay yeesheen dhakhaatiirta xubnaha ka ah ururka Dhaqaatiirta Jubaland ayaa Markale lagu doortay Dr. Abdirisak Mohamed Abdi (Dr. Gaaxnuug) inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Fulinta, kadib markii uu helay codka kalsoonida xubnaha.

Doorashada oo si rasmi ah u dhacday ayaa waxaa codeeyay 90 xubnood oo dhakhaatiir ah, iyadoo Musharaxa uu helay 87 cod, taasoo u sahashay inuu ku guuleysto aqlabiyadda codadka.

Wararka laga helayo guddiga doorashada ayaa sheegaya in Dr. Gaaxnuug uu ahaa musharaxa kaliya ee u taagnaa xilka, isla markaana doorashadu u dhacday si hufan oo waafaqsan nidaamka ururka.

Mas’uuliyiinta doorashada ayaa sheegay in natiijada codbixintu ay muujineyso kalsoonida ay dhakhaatiirtu ku qabaan hoggaanka cusub, iyadoo laga rajeynayo inuu xoojiyo wada shaqeynta, horumarinta xirfadaha caafimaadka, iyo daryeelka bulshada.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Fulinta Dr. Abdirisak Mohamed Abdi (Dr. Gaaxnuug) ayaa la filayaa inuu si rasmi ah xilka ula wareego maalmaha soo socda, kadib dhammeystirka habraacyada maamulka ee ururka.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79