Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, ayaa maanta shir-guddoomiyay munaasabadda daah-furka Qorshaha Wadashaqeynta Dowladda Jubaland iyo UNICEF ee sanadaha 2026/2027, kaas oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta dhinacyada horumarinta adeegyada bulshada iyo taageerada barnaamijyada muhiimka ah ee bulshada reer Jubaland.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirro, agaasimayaal guud, masuuliyiin ka socday hay’adaha Dowladda Jubaland, iyo wakiillo ka socday UNICEF, kuwaas oo si wadajir ah u saxiixay qorshaha cusub ee iskaashiga labada dhinac. Qorshahan ayaa saldhig u noqon doona dadaallada lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah iyo mashaariicda mudnaanta u leh bulshada.

Qorshaha wada-shaqeynta ee 2026/2027 ayaa diiradda saaraya horumarinta adeegyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo fayadhowrka, nafaqada, ilaalinta carruurta, iyo kor u qaadista tayada adeegyada bulshada. Waxaa sidoo kale qorshuhu muhiimad gaar ah siinayaa xoojinta awoodda hay’adaha dowladda, tayeynta adeegyada la gaarsiinayo bulshada nugul, iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanada Jubaland.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa sheegay in qorshahan uu muujinayo sida ay Dowladda Jubaland uga go’an tahay horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah. Wasiirka ayaa xusay in iskaashiga Dowladda Jubaland iyo UNICEF uu door weyn ka qaatay hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo saameyn muuqata ku yeeshay bulshada, gaar ahaan carruurta, haweenka, iyo qoysaska danyarta ah.

Sidoo kale, masuuliyiinta ka socday UNICEF ayaa bogaadiyay wada-shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa Dowladda Jubaland, iyagoo caddeeyay inay sii xoojin doonaan taageerada ay ku bixiyaan barnaamijyada horumarinta bulshada iyo mashaariicda lagu hagaajinayo nolosha shacabka reer Jubaland.

Qorshahan cusub ayaa la filayaa inuu wax weyn ka tari doono tayeynta adeegyada bulshada iyo kor u qaadista dadaallada horumarineed ee Dowladda Jubaland, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeyn ku saleysan isfaham, isla xisaabtan, iyo himilo wadajir ah oo lagu gaarayo horumar waara iyo adeegyo tayo leh oo bulshada loo fidiyo.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay