Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Dowladda Masar ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in toddobaadyada soo socda ay ciidamo ka tirsan milatarigeeda u diri doonto Soomaaliya.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sanadkii hore ku heshiiyeen in ciidamada Masar lagu daro howlgalka AUSSOM ee ka socda dalka.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa dhawaan sii daayay lacag dhan €85 milyan oo loogu talagalay maalgelinta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya sanadka soo socda.

Ciidamada Masar ayaa la filayaa inay beddelaan cutubyada Burundi ee hadda ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ka qeyb qaadan doonaan sugidda amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa weli wajahaysa caqabado ku aaddan sidii ay si buuxda ula wareegi lahayd mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo howlgalka AUSSOM uu wali door muhiim ah ka ciyaarayo xasilinta xaaladda guud ee amniga.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay