Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo si buuxda u taageeray baaqii ay hore u jeediyeen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa tilmaamay in madashii caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi ay ahayd mid si cad u muujisay baahida ay Soomaalidu u qabto midnimo, wadahadal iyo xal nabadeed oo laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee soo noqnoqday.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin duubabka dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay door lama huraan ah ka qaadan karaan xal u helidda ismari-waaga siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka inay u istaagaan gudashada waajibaadkooda taariikhiga ah, isla markaana ay hormuud u noqdaan dadaallada lagu badbaadinayo dalka, si looga fogaado dib u laabasho siyaasadeed iyo khataro keeni kara dagaallo sokeeye.

Wuxuu ugu baaqay madaxda siyaasadda dalkamuxaafid iyo mucaaradba inay siiyaan duubabka dhaqanka kaalinta ay mudan yihiin ee geeddi-socodka dowlad-dhiska, maadaama ay laf-dhabar u ahaayeen aas-aaska nidaamka dowladeed ee Soomaaliya.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay