Koox burcad-badeed ah ayaa afduubtay markab nooca xamuulka ah oo ku gooshayay calanka Panama, xilli uu marayay xeebaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland.
Markabkan ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday Mozambique oo ku yaalla koonfurta Afrika, waxaana saarnaa 16 shaqaale ah, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin dalalka ay u kala dhasheen.
Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in kooxda burcad-badeedda ah ay wax ka yar 24 saac ka hor qabsashada markabka ka baxeen deegaanka Dhinowda ee gobolka Mudug, taasoo muujineysa qorshe horay loo sii diyaariyay.
Dhacdadan ayaa noqonaysa markabkii labaad ee muddo toddobaad gudahood ah lagu afduubto xeebaha Puntland. 22-kii bishan ayay ahayd markii koox hubeysan ay degmada Banderbayla ku qabsadeen markab laga leeyahay Pakistan, kaas oo la sheegay inuu u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed.
Inkasta oo burcad-badeednimadu si weyn hoos ugu dhacday saddexdii sano ee la soo dhaafay, haddana waxaa muuqata in ay dib u soo laba-kacleyneyso, iyadoo mar kale la beegsanayo maraakiibta kalluumeysiga iyo kuwa xamuulka qaada ee maraya Badweynta Hindiya.
Qabsashada markabkan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga maraakiibta maraya biyaha Soomaaliya, iyadoo khubaradu ay ka digayaan in haddii aan si degdeg ah loo xakameyn, ay dib u soo laaban karto khatartii burcad-badeednimo ee horey uga jirtay gobolka.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in tan iyo sanadkii 2024 ay sii kordhayaan dhaqdhaqaaqyada burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya, taasoo muujineysa halis cusub oo kusoo fool leh amniga badda ee dalka.
