Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ee xalay lagu afduubtay degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa saaka la helayo ayaa sheegaya in la sii daayay seddexda xubnood ee la tirsan Guddiga Doorashooyinka.

Afduubka raggan ayaa waxaa la sheegay in ka dambeeyeen kooxo hubeysan, kuwaasi oo ka soo horjeeday hirgelinta doorashada qof iyo cod, taasoo Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in lagu qabto qeybo ka mid ah dalka.

Afduubka ayaa si degdeg ah u abuuray walaac iyo cabsi ka taagan gobolka, iyadoo xaaladda xubnaha la afduubtay ay weli tahay mid aan la caddeyn.

Sidoo kale waxaan la hubi  illaa iyo  hadda halka ay ku sugan yihiin ama xaaladdooda caafimaad.

Dhacdadan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan muranka iyo xiisadaha la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo qaar ka mid ah beelaha iyo ururada siyaasadeed ay muujinayaan  shakisan weyn ee ku aadan qorshaha doorashada iyo awoodda guddiga doorashooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka shaqeyneysa sidii loo xoojin lahaa amniga iyo sidii loo xaqiijin lahaa in doorashada qof iyo cod ay si nabadgelyo ah u dhacdo, iyadoo xiisadaha siyaasadeed iyo khilaafaadka doorashada ay dhibaatooyin ku yihiin xasilloonida guud ee dalka.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay