Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu kulankii ugu horeeyay la qaato Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan madaxda Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ee Mucaaradka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu booqan doonaa xarunta Xalane oo ay degan yihiin qaar ka mid ah madaxda madaxda Golaha Mustaqbalka, halkaas oo kulanka labada dhinac uu ka dhici doono.

Kulankaan oo ah mid qado ah ayaa looga golleeyahay isu soo dhawaanshaha labada dhinac iyo sidii loogu gogol xaari lahaa shirka arrimaha doorashooyinka iyo marxaladaha kala guurka ee ay Somalia gelayso xilligaan.

Lama oga waxaa ka soo bixi doona kulanka maanta oo looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin shirka madaxda Dowldda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyo caqabadaha hortaagan qabsoomidiisa.

Madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka waxay weli isku fahmi la’ yihiin goobta uu ka dhacayo shirka, Golaha Mustaqbalka waxay doonayaan in uu ka dhaco gudaha xarunta Xalane, halka Dowladda Federaalka ay rabto shirkaasi uu ka dhaco xarunta madaxtooyada.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Golaha Mustaqbalka oo muddo todobaad ah ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa hore ula kulmay Ra’iisul Wasaare Xamse iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay