Ciyaartoyda kubadda cagta ee deegaanka Goobweyn oo ku guuleystay koobka kubada cagta ee Xafadaha Magaalada Kismaayo iyo deegaannada ku xeeran, kaddib tartan xiiso badan oo ay muujiyeen karti, isku-duubni iyo dadaal joogto ah.
Maanta ayaa ciyaartoyda waxaa kulan dhiirrigelin iyo hambalyo ah u sameeyey Taliyaha Booliska Saldhigga Waqooyi ee Degmada Kismaayo, Cabdi Xakiim Xasan Carte (Jabuuti), kaas oo ku bogaadiyey guusha ay gaareen, kuna ammaanay doorkooda ku aaddan horumarinta isboortiga iyo mideynta dhalinyarada.
Taliyaha ayaa sheegay in guusha Goobweyn ay tahay mid muujineysa awoodda iyo kartida dhalinyarada, isla markaana tusaale u noqoneysa jiilasha kale. Wuxuu xusay in isboortigu yahay aalad muhiim ah oo lagu xoojin karo nabadda, laguna kobcin karo isdhexgalka bulshada.
Guushan ay gaartay Goobweyn ayaa loo arkaa mid kor u qaadaysa hamiga iyo kalsoonida dhalinyarada, isla markaana ka hortag u noqoneysa dhibaatooyinka ay ka mid yihiin ku biirista kooxaha xagjiriinta ah, isticmaalka maandooriyaha, iyo tahriibka.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa adkeeyey inay sii wadi doonaan taageerada iyo dhiirrigelinta dhalinyarada ku howlan isboortiga, si loo abuuro bulsho firfircoon oo ka shaqeysa nabad, horumar iyo mustaqbal ifaya.
