Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland Mudane Maxamed Cabdi Kaliil ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar socday muddo saddex maalmood ah oo loo qabtay saraakiil ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, kaas oo diiradda lagu saarayay ilaalinta rayidka iyo yareynta waxyeellada ka dhalan karta howlgalada amniga.

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Jubbaland Xildhibaan Deeq, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland Xared Kilaas Cabdi, wakiillo ka socday International Organization for Migration (IOM) iyo Center for Civilians in Conflict (CIVIC), iyo marti sharaf kale.

Tababarkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland ayaa ujeeddadiisu ahayd kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha, si loo xoojiyo ilaalinta bulshada rayidka ah inta lagu guda jiro howlgalada amni iyo kuwa la dagaallanka khataraha nabadgelyo. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray:

  • Fahamka xuquuqda aadanaha iyo waajibaadka ciidamada
  • Yareynta waxyeellada rayidka inta lagu jiro howlgalada
  • La shaqeynta bulshada si loo helo kalsooni iyo wada-shaqeyn
  • Habraacyada saxda ah ee qiimeynta khataraha ka hor howlgalada

Wasiiru Dowlaha ayaa sheegay in tababarkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Dowladda Jubbaland ay ku dooneyso in lagu helo ciidan xirfad leh oo ku shaqeeya shuruucda iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Sidoo kale, wakiillada IOM iyo CIVIC ayaa bogaadiyey sida ay Jubbaland uga go’an tahay horumarinta tayada ciidamada, iyagoo xusay in ilaalinta rayidku ay saldhig u tahay nabad waarta iyo xasillooni.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland ayaa sheegtay in tababaro noocan oo kale ah la gaarsiin doono qeybaha kala duwan ee ciidamada, si loo dhiso hannaan amni oo waara, isla markaana ku dhisan isla-xisaabtan, hufnaan iyo ilaalinta bulshada rayidka ah.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay