Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Dowladda Jarmalka Mudane Niels Annen, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Jarmalka Mudane Sebastian Groth, waxa ayna si qotodheer uga wada hadleen danaha ka dhaxeeya labada dal iyo qodobo kale.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa wafdiga uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, oo ay ka mid yihiin abaarta baโan ee ka jirta dalka, guulaha laga gaaray furimaha dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, dhaqaajinta howlaha doorashooyinka tooska ah ee goleyaasha deegaanka, dhammaystirka dastuurka, iyo gogosha wadahadal ee ay dowladda u fidisay Golaha Mustaqbalka.
Dhankiisa, Mudane Niels Annen, ayaa Raโiisul Wasaaraha uga mahadceliyay qaabilaadda diirran iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal, isaga oo hoosta ka xarriiqay in iskaashiga ku dhisan dano-wanaagga ee labada dowladood ee sii xoogaysanaya.
Ugu dambeyntii, Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Dowladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadan doonto dadaallada xalka loogu raadinayo nabadda iyo xasiloonida adduunka marka la joogo goleyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ay Soomaaliya ka tahay xubin aan joogto ahayn.
