Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed H Baraki, oo uu wehliyo maareeyaha wakaalada Biyaha Dowladda Jubaland,Mudane Mohamed Nunow ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee IOM u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Manuel Marques, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Kulankan oo ay qeyb ka ahaayeen Maareeye ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,Ahmed Noor iyo Injineerro ka tirsan Wasaaradda iyo Wakaalada Biyaha Dowladda Jubaland, ayaa diiradda lagu saaray dhamaystirka Mashruuca Biyo-gelinta Magaalada Kismaayo, kaas oo biyaha Wabiga Jubba lagaga soo jiidayo deegaanka Yoontooy, isla markaana maraya heer gabagabo ah, waxaana warbixin faahfaahsan laga dhagaystay kambaniga howsha wado ee Astur.
Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay caqabadaha waaweyn ee ka jira helitaanka iyo maareynta biyaha ee guud ahaan deegaanada Dowladda Jubaland.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda, Wakaalada iyo Hay’adda IOM, gaar ahaan ka jawaabidda xaaladda abaarta sii xumaanaysa iyo hirgelinta xalal waara oo lagu dabooli karo baahiyaha biyaha ee bulshada.
