Deegaanka Soomaalida waxa markii ugu horraysay laga bilaabay qalliin noociisu ku cusub yahay oo lagu beddelayo jilbaha, miskaha iyo sinaha islamarkaana wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka la xidhiidha seedaha.
Qalliinka ayaa markii hore dad badan u aadi jireen magaalada caasimdda ah ee Addis Ababa iyo dalka dibaddiisa.Adeegyadaan caafimaad ayaa dadka waxa auga bixi jiray wakhti iyo dhaqaale badan, waxaana hadda fulinaya dhaqaatiir ka timid dalka Turkiga.
Hawshan oo ay fuliyeen 16 dhakhtar oo muddo tobaad ah ku sugnaa deegaanka ayaa laga fuliyay isbitaallka Jigjiga ee Sheekh Xasan Yabarree.
Madaxweyanha Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar oo goob joog ka ahaa munaasibadda lagu abaalmarinayay dhakhaatiirtan oo ka tirsan Hay’adda Iskaashiga Turkiga oo dhammaystiray qalliimo ay u sameeyeen 34 qof oo isugu dhallinyaro iyo waayeel.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.