Weeraryahanka Barcelona, Robert Lewandowski, ayaa dhaliilay habka loo bixiyo abaalmarinta Ballon d’Or, isaga oo sheegay in abaalmarinta FIFA The Best ay u muuqato mid ka cadaalad badan.
Isagoo la hadlay BBC, Lewandowski ayaa yiri: “Waxaa jira ciyaartoy badan oo Barcelona ka tirsan oo sanadkan mudan in la aqoonsado. Su’aashu waxay tahay kee baa muhiim ah: The Best oo caddaalad ah mise Ballon d’Or oo ganacsi ah?”
Xiddiga reer Poland ayaa sidoo kale xusay fursaddii uu lumiyay 2020, markii xafladda Ballon d’Or loo joojiyay sababo la xiriiray faafitaanka COVID-19, xilli uu Bayern Munich u horseeday saddexley koobab ah oo markii dambe isu beddeshay lixley.
Isagoo dhoola caddeynaya ayuu ku daray: “Qofna ma fahmayo… waa qayb ka mid ah kubadda cagta iyo sidoo kale siyaasaddeeda.”
Hadalladiisa ayaa la mid ah dhaliilihii dhawaan uu jeediyay Cristiano Ronaldo, oo shaki geliyay sida loo qiimeeyo abaalmarinta Ballon d’Or.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.