Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Halyeeyga Manchester United iyo falanqeeyaha Sky Sports, Gary Neville, ayaa sheegay in saddex kooxood aanay horyaalka Premier League u tartami doonin xilli ciyaareedkan kadib kulamadii furitaanka.

Kooxda difaacanaya horyaalka, Liverpool, ayaa 4-2 ku dardartay Bournemouth, halka Arsenal ay 1-0 kaga adkaatay Manchester United, iyo Manchester City oo 4-1 ku garaacday Wolves.

Neville wuxuu aaminsan yahay in horyaalka uu ku ekaan doono saddexdan kooxood oo kaliya, isagoo si muuqata ugu janjeeray Arsenal:

“Liverpool, Arsenal iyo Man City ayaa u muuqda kuwa keliya ee dhab ahaan u tartami kara horyaalka. Waxaan u maleynayaa Arsenal, laakiin run ahaantii Liverpool si fudud ayay ugu guuleysan karaan horyaalka, xitaa 5 ama 6 dhibcood ayay ku qaadi karaan haddii ay helaan Alexander Isak,” ayuu yiri Neville.

Halkaas ayuu ku caddeeyay in Chelsea, Newcastle United iyo Aston Villa aanay awood ku filan u lahayn tartanka hanashada horyaalka, inkasta oo saddexda kooxood ay dhisayaan kooxo adag.

Waxaa hadda keliya la ciyaaray hal kulan waxaana dhiman kulama aad u badan.ilaa hadda lama hubo cidda sida saxda ah ugu diyaarsan hanashada horyaalka maadaama kooxaha badankood ay is-dhiseen.

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay