Saxafiga lagu kalsoon yahay Fabrizio Romano ayaa bartiisa X ku sheegay in Manchester City si dhab ah uga fiirsanayso inay la soo wareegto xiddiga reer Brazil ee Rodrygo (Real Madrid), haddii ciyaaryahanka da’da yar ee Savinho uu kooxda ka tago.
Romano ayaa xaqiijiyay in xiisaha City ee Rodrygo uu si toos ah ula xiriiro suurtogalnimada bixitaanka Savinho, kaasoo aad ugu dhow inuu ku biiro Tottenham inta lagu jiro suuqa xagaaga. Taas ayaana albaabka u fureysa wada xaajood suuragal ah oo lala galo Real Madrid.
Waxaa la caddeeyay in Manchester City aysan hadda qorsheyneyn saxiixa magacyo kale sida Xavi Simons, maadaama Rodrygo uu yahay ciyaaryahanka kaliya ee gudaha kooxda laga hadal hayo.
Si kastaba ha ahaatee, warkani waxa uusan si dhab ah u gaarin dhagaha maamulka City, waxaana la xaqiijiyay inaysan si rasmi ah ugu dhaqaaqi doonin Rodrygo ilaa iyo inta uu Savinho si dhab ah uga tagayo kooxda suuqa xagaaga.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.