Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Maanta ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo kulan muhiim ah oo dhexmaraya Safiirrada Beesha Caalamka iyo Siyaasiyiinta Golaha Samatabixinta, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah.

Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda cakiran ee siyaasadda dalka iyo ismari-waaga ka taagan xiriirka u dhexeeya madaxtooyada Soomaaliya iyo musharraxiinta mucaaradka ah ee dalbanaya isbeddel siyaasadeed.

Mucaaradka ayaa la filayaa inay Beesha Caalamka u gudbiyaan cabasho ah in Madaxtooyada Soomaaliya aysan weli diyaar u ahayn xal siyaasadeed oo lagu wajaho arrimaha muranka dhaliyay, gaar ahaan Dastuurka iyo habraaca doorashooyinka.

Golaha Samatabixinta mucaaradka ayaa ku adkeysanaya in madaxtooyadu aysan keligeed go’aan ka gaari karin arrimaha doorashooyinka, iyagoo ku baaqaya heshiis siyaasadeed oo ballaaran si loo xaqiijiyo in dalka ay ka dhacaan doorashooyin lagu wada qanacsan yahay.

Khubarada arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in kulanka maanta uu noqon karo mid horseeda laba waji:

  • Isku soo dhowaansho siyaasadeed oo lagu dardar-geliyo hannaanka doorashooyinka.

  • Ama khilaafka sii fida, taas oo dhaawici karta kalsoonida Beesha Caalamka ee nidaamka siyaasadeed ee hadda jira.

Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in safiirrada Beesha Caalamka kulamo gaar ah la yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kadib marka ay dhammaystiraan wada-hadalka ay la yeelanayaan mucaaradka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo weli socda wadahadallada u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo loogu talagalay in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee taagan.

KALA SOCO WARARKEENA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay