Weeraryahanka Newcastle United, Alexander Isak, ayaa laga saaray shaxda guud ee kooxda kulanka furitaanka Premier League ee todobaadkan oo ay ku wajahayaan Aston Villa, iyadoo uu kooxda ku cadaadinayo inuu ku biiro Liverpool.

Tababaraha Newcastle, Eddie Howe, ayaa xaqiijiyay in xaaladda Isak aysan waxba iska beddelin, isagoo yiri:
“Xaaladda Isak waa sidii hore, waxaana u maleynayaa inay sidaas ahaan doonto.”
Wararka ayaa sheegaya in Isak uu horey heshiis shaqsiga ah ula gaaray Liverpool, balse Newcastle aanan weli loo gudbin wax dalab ah loo dirin. maqnaanshihiisa kulanka furitaanka ayaa sii xoojiyay mala-awaalka ku saabsan inuu u dhaqaaqi karo Anfield ka hor inta uusan suuqa kala iibsigu xidhmin.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.