Xiddigii hore ee Arsenal, Paul Merson, ayaa saadaaliyay in Gunners ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Merson ayaa aaminsan in kooxda uu hogaamiyo Mikel Arteta ay shaqada dhammeystiri doonto xilli ciyaareedkan kadib markii ay xilli ciyaareedkii hore ku dhammeysatay kaalinta labaad, iyadoo ay horyaalka qaadday Liverpool.
Isagoo la hadlay Sportskeeda, Merson ayaa yiri:
“Haddii aad iga weydiiso kooxda ugu cadcad horyaalka Premier League haatan, waxaan dhihi lahaa Arsenal.
Waxay u baahnaayeen ciyaaryahan khadka dhexe ah iyo weeraryahan dhexe xagaagan, waxaana qabaa in Mikel Arteta si fiican uga jawaabay labadaas baahi.
Waxaan aaminsanahay in Arsenal iyo Liverpool ay yihiin labada koox ee ugu cadcad hanashada horyaalka, wax walbana waxay ku xirnaan doonaan sida ciyaartoyda labada dhinac ay u xakameeyaan dhaawacyada xilli ciyaareedka oo dhan.”
Merson ayaa intaas ku daray in Liverpool ay sidaas sameysay xilli ciyaareedkii hore oo ay horyaalka ku guuleysatay, balse uu dareemayo in xilli ciyaareedkan Arsenal ay shaqo adag qaban doonto.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.