Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Joan Garcia waxaa la filayay in Khamiistii loo diiwaangeliyo horyaalka La Liga, kadib markii Barcelona ay xaqiijisay inay heleen boos uu kaga soo muuqdo liiska, taasoo ka dhalatay dhaawaca Marc-André ter Stegen.

Si kastaba, diiwaangelintiisa ayaa dib loo dhigay maadaama Barca ay isku dayeyso inay isla waqtigaas diiwaangeliso Marcus Rashford. Dhibaatada ayaa timid iyadoo mushaarka sare ee Rashford uu si weyn u saameeyay miisaaniyadda kooxda.

Madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta, iyo xubno ka tirsan maamulka ayaa isku dayay inay bixiyaan dammaanad bangi oo dhan 7 milyan oo euro iyagoo isticmaalaya hantidooda gaarka ah, balse dukumentiyada meysan gaarin La liga waqtigii loogu talagalay.

Haddii Rashford aan la diiwaangelin, Barca waxay Jimcaha, 15-ka Agoosto, diiwaangelin doontaa oo kaliya Joan Garcia, iyadoo ciyaarta ay la leedahay Mallorca ay dhaceyso Sabtida, 16-ka Agoosto.

Wojciech Szczesny weli lama diiwaangelin, taasoo ka dhigan in Barca ay safarka ku tagi doonto Mallorca iyadoo saddex goolhaye ay haystaan: Inaki Pena, Joan Garcia, iyo Diego Kochen.

KALA SOCO WARARKEENA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay