Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Massachusetts Institute of Technology (MIT) ayaa sheegay in garaadka macmalka ahi (AI) uu si unug-unug ah u naqshadeeyay laba daawo oo cusub oo lagu dili karo bakteeriyada adkaysiga leh ee keenta cudurrada jabtada iyo MRSA.

Dawooyinkan ayaa lagu guuleystay in lagu tijaabiyo sheybaarka iyo jiirarka, balse weli waxay u baahan yihiin sannado hagaajin ah iyo tijaabooyin caafimaad ka hor inta aan loo oggolaan dadka.

AI-ga ayaa la baray qaab-dhismeedka kiimikooyinka la yaqaan iyo sida ay bakteeriyadu uga falceliyaan, taas oo u suuragelisay inuu si toos ah u naqshadeeyo dawooyin cusub oo aan hore loo arkin. Tani ayaa waxay ka duwan tahay cilmi-baaris hore oo AI loo adeegsaday taasoo keliya lagu raadinayay kiimikooyin jira.

Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in nidaamkani uu noqon karo bilowga “casri dahabi ah” oo lagu helo antibiyootig cusub.

Balse, khubaro kale ayaa ka digay in inkasta oo AI-gu uu dedejin karo helitaanka dawooyin cusub, haddana loo baahan yahay tijaabooyin badan si loo xaqiijiyo badbaadada iyo waxtarka. Waxaa sidoo kale jira caqabado dhaqaale, maadaama dawooyinka cusub ee antibiyootiga ah aan si ballaaran loo adeegsan doonin si loo ilaaliyo waxtarkooda, taas oo adkeynaysa in la helo faa’iido ganacsi.

KALA SOCO WARARKEENA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay