Ismaaciil Maxamed oo ka tirsan aqalka wakiillada gobolka Ohio ayaa muuqaal uu soo duubay kaga hadlay laba dhacdo oo uu ku tilmaamay kuwo taariikhi ah oo ka dhacay magaalada Columbus, Ohio.
Wuxuu sheegay in guushiisa doorasho ay ahayd mid aan hore Soomaalida ku nool Mareykanka u gaarin, isla markaana uu ka danbeeyay waddo loogu magac daray gabyaagii Soomaaliyeed iyo guumeyste la-dirirkii, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo uu sheegay inay tusaale u tahay sumcadda bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Ohio.
Ismaaciil Maxamed wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaalida ay maanta ka wakiil yihiin in ka badan toban mas’uul oo ka tirsan dowlad-goboleedka iyo degmooyinka gobolka, ayna samaysteen urur mideeya si ay ugu ololeeyaan danaha Soomaaliya, gaar ahaan midnimada, xallinta dhibaatooyinka badda iyo siyaasadda. Wuxuu ugu baaqay dadka ku nool Columbus inay ka qeyb qaataan doorashooyinka iyo ololeyaasha bulshada, isagoo ballanqaaday taageero iyo abaabul guriguri ah si codkooda loo maqlo.
KALA SOCO WARARKEENA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.