Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Taageeraha weyn ee Donald Trump iyo madaxa shirkadda amniga gaarka ah ee lagu magacaabo Erik Prince, ayaa sheegay inuu heshiis 10 sano ah la galay Haiti si uu ula dagaallamo budhcadda dalkaas, kadibna uu door ka qaato dib u habeynta nidaamka ururinta canshuuraha dalkaas.

Wareysi uu siiyay Reuters, ayaa Prince oo hore u maamuli jiray shirkadda Black water, wuxuu sheegay in shirkaddiisa, Vectus Global, ay ka qeyb qaadan doonto naqshadeynta iyo hirgelinta barnaamij lagu canshuuro badeecadaha laga keeno xadka Haiti ay la wadaagto Jamhuuriyadda Dominica, marka xaaladda amni ay degganaato.

Wuxuu sheegay inuu filayo inuu budhcadda kala wareego waddooyinka waaweyn iyo dhulka ay haystaan muddo ku dhow hal sano gudaheed. “Cabir muhiim ah oo guusha ii muujinaya wuxuu noqonayaa marka aad ka kaxaysan karto baabuur caadi ah magaalada Port-au-Prince ilaa Cap Haitian adigoo aan joogsan ama aysan ku istaajin budhcaddu,” ayuu Prince ku yiri wareysiga.

Prince kama uusan hadlin inta ay dowladda Haiti bixin doonto kharashka shirkadda Vectus Global, sidoo kalena ma sheegin inta canshuur ah ee uu filayo in laga aruuriyo Haiti.

Madaxweynaha cusub ee golaha kumeel-gaarka ah, Laurent Saint-Cyr, oo la dhaariyay Agoosto 7-tii qeybna ka ah wareejinta qorsheysan ee hoggaanka golaha, kama uusan jawaabin codsiyada faallo. Madaxweynihii hore ee golaha iyo ra’iisul wasaaraha Haiti sidoo kale kama aysan jawaabin codsiyada in ay wax ka dhahaan arrinkaan.

KALA SOCO WARARKEENA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay