Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

13 / 100 SEO Score

Dowladda Suudaanta koofureed ayaa si adag u diiday warar sheegaya inay kala xaajoonaysay Maraykanka iyo Israa’iil qorshe dib u dejin loogu dejinayo Falastiiniyiinta Qasa.

Warbixinno soo baxay toddobaadkan ayaa lagu sheegay in dalka ugu da’da yar caalamka uu wado qorshayaal Tel Aviv ka leedahay sidii loo fududeyn lahaa barakicinta ballaaran ee dadka reer Qasa, taasoo cambaareyn xooggan kala kulantay Jaamacadda Carabta iyo Masar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaanta koofureed, Semaya Monday Kumba, ayaa u sheegay BBC-da in warkaas uu yahay “been abuur ka imanaya cadowga nabadda, xasilloonida iyo horumarka Koonfurta Suudaan.”

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in aanay jirin wax wada-hadallo ah oo ay la yeesheen Israa’iil ama Maraykanka taasoo arrintan la xiriirta.

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ  KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay