Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu dareemayo inuu ku taagan yahay “howlgal muhiim iyo taariikhi ah,” uuna diyaar u yahay aragtida Israa’iisha weyn, oo ay ku jiraan dhulka Falastiin, “iyo dabcan qaybo badan oo kamid ah Urdun iyo Masar, ” sida laga soo xigtay The Times of Israel.

Wargayska ayaa tabiyay waraystaha ka tirsan Janaalka i24 oo muddo kooban xubin ka ahaa garabka midig ee Knesset, wuxuuna u soo bandhigay Netanyahu khariirad u dhigan qaabka dhulka ballan qaadka ayaa markii uu wax ka weydiiyay sida uu u arko “aragtida” Israa’iisha weyn, Netanyahu wuxuu ku jawaabay, “Aad iyo Aad”.

Ereybixinta “Israa’iisha weyn” ayaa la adeegsaday ka dib dagaalkii Lixda-Maalin ee Juun 1967, oo sidoo kalana loo yaqaanay “Naksa, ” oo loola jeedoa Israa’iil iyo dhulka ay qabsatay wakhtigaasi, oo ay ku jirto Bariga Qudus, Daanta Galbeed, gacan biyoodka Sinai iyo buuraha Golan Heights.

Wargayska ayaa tilmaamay in “qaar kamid ah sahyuuniyiintii hore ay adeegsan jireen eryadaasi iyaga oo tilmaamaya Israa’iisha maanta ee Qaza, Daanta Galbeed iyo Urdun”.

Intii lagu guda jiray waraysiga, Netanyahu ayaa wax laga weydiiyay sida uu u dareemay howgalka uu ku matalayo bulshadiisa. Waxaa uu ku jawaabay, “Waxaan ku jiraa howlgal jiilal. Waxaa jiray jiilal yahuud ah oo ku riyooday inay halkaan yimaadaan, iyo jiilal kale oo imaanaya gadaasheen”.

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay