Weeraryahankii hore ee xulka England, Gary Lineker, ayaa sheegay in Arsenal ay fursad weyn u heli karto hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan keliya haddii Viktor Gyökeres uu si degdeg ah ugu bilowdo qaab ciyaareed fiican.

Gunners ayaa xagaagan Gyökeres kaga soo iibsatay Sporting CP lacag gaari karta £63 milyan. Weeraryahanka 27 jirka ah ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 54 gool 52 kulan oo tartamada oo dhan ah.
Lineker, oo ka hadlayay barnaamijka The Rest Is Football podcast, ayaa sheegay in Gyökeres uu xilli ciyaareedkan Arsenal u baahan doonto inuu soo saaro tiro goolal ah oo la mid ah kuwii uu dhaliyay xilli ciyaareedkii hore.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.